|
Kambala,(insidesomalia.org)-Gudoomiyaha xiligaani ee Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Tanzania Jakaya kikwete ayaa ugu baaqay Wadamadii horay u balan qaaday in ay Ciidamo u dirayaan Dalka Soomaaliya ka dhabeeyaan.
Hadalkaan ayuu Gudoomiyaha ka sheegay, kadib kulan dhex maray Madaxeynaha Dalka Ugandha Museneni, kaasi oo ay kaga hadlayeen Xaalada Dalka Soomaaliya iyo sidii loo dhameystiri lahaa Ciidamadii horay Midowga Afrika ugu qoondeeyay in Soomaaliya la geeyo.
Labad Mas'uul ayaa isku raacay in xiligaani Muhiim ay tahay in Soomaaliya la geeyo Ciidamadii Nabad ilaalinta ahaa ee horay u balan qaadeen wadamo badan oo Afrikaan ah, taasi oo haatan u muuqanaysa in Wadamadii horay Ciidamada u balan qaaday in ay hada ka caga jiidayaan.
Gudoomiyaha Midowga afrika ayaa ku nuux nuuxsaday in xaalada Dalka Soomaaliya xiligaani ka yara wanaagsan tahay sidii ay aheyd Sanooyin ka hor, balse uu sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo nabad ka dhalata Dalka Soomaaliya waa sida uu hadalka uyiriye.
Godoomiyaha isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu baaq gooni ah u jeediyay Wadamadii horay u balan qaaday Ciidamo geynta Dalka Soomaaliya in ay ka dhabeeyaan, isla markaana soo dadajiyaan Ciidamadooda.
hada Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika,kuwaasi oo kasocda Wadamada Ugandha iyo Burundi oo gaaraya ilaa iyo Sedex kun oo Askari.
Waxaan markii hore Midowfa Africa horey ugu qoondeeyey in Ciidamo Gaaraya Sidees Kun oo Askari loo diro Dalka Soomaaliya ,kuwaasi oo hooshooda ay noqoneyso Nabad kusoo dabaalida Dalka Soomaaliya.
|